Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa ka socda kulamo xasaasi ah oo loogu hadlaayo arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka xiligan taagan.
Xalay waxaa Magaaladda Garoowe ka dhacay labo kulan oo muhiim ahaa kuwaasi ay yeesheen Guddiga doorashooyinka Puntland iyo xubnaha Mucaaradka,waxaana diirada lagu saaray khilaafka xiligaan jira iyo sida Guddiga awood ahaan loogu geeyay Xarunta Golaha wakiiladda Puntland.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay shuruudaha ay guddiga ay soo saareen kuwaasi oo la hordhigay xubnaha doonaya in ay noqdaan xildhibaanadda Golaha wakiiladda Puntland.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo labada dhinac ayaa isku fahmay inta badan qodobadii ay kawada hadleen ay shuruudaha xubnimadda golaha wakiiladda ay qeyb ka tahay,waxaana lagu heshiiyay in ay lawada shaqeeyo.
Waxaa jira xubno ka tirsan Mucaaradka oo kulanka ka baaqday sababo la xariira in aysan ku qancin sida ay wax u wadaan guddiga doorashooyinka Puntland.
Dhanka kale Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibraail ayaa Madaxtooyadda Garoowe ku yeeshay kulan ay kaga wada-hadleen isfahan-waaga dhexdooda ee Guddiga Doorashada Baarlamanka iyo guud ahaan doorashada madaxtinimo.
Xubnahaan ayaa ka mideysnaa arrimaha doorashadda oo markii hore ay ku heshiiyeen in laga dhigo qof iyo cod balse madaxweyne Deni oo heshiiska ka laabtay ayaa keentay in Ku-xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Golaha wakiiladda ay ka hor yimaadaan damaciisa.
Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa qaaday tilaabooyin aan laga talagalin Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Golaha wakiilada ay ugu dambeysay Guddiga doorashooyinka oo awood ciidan lagu geeyay Xaruntii Golaha wakiiladda, iyo Magacaabista Guddiga doorashooyinka.
Dhanka kale Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku wajahan Magaaladda Garoowe,kuwaasi oo doorashadda qeyb ka ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Abshir Omar Jama (Huruse) sidoo kalana ah Musharax Madaxweyne oo loo arko in taageero ka helaya Dowladda Federaalka ayaa maanta ku wajahan Magaaladda Garoowe,waxaana socota qabanqaabadda lagu soo dhaweynayo wafdiga wasiirka.
Inkastoo khilaaf u dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo maamulka Puntland balse Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland ayaa loo arkaa in fursad u heli karo in uu kasoo dhex muuqdo musharixiinta Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland.
Inkastoo laga heshiiyay nooca doorasho ee Puntland ka dhacaysa,hadana dhinacyadda ayaa isku haya cida maamulaysa doorashadda madaama ay mucaaradka saluugsan yihiin magacaabista Guddiga doorashadda oo ka imaaday dhanka Madaxtooyadda Puntland,waxayna aamisan yihiin in xubno la wato lasoo saarayo.
Dhanka kale Isimadda dhaqanka oo intooda badan ku sugan Magaaladda Garoowe ayaa wada dhankooda dadaalo ku aadan in laga fogaado dagaal ka dhaca Magaaladda waxayna wadaan kulamo ay isugu soo dhaweynayaa Xukuumada iyo Mucaaradka.

