Suldaan Cabdicasiis Afguduud oo kamid ahaa siyaasiyiinta u sharraxnaa xilka madaxweynaha Puntland, ayaa maanta ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Qardho.
Musharaxa iyo taageerayaal badan oo la socday ayaa ku wajahnaa magaalada Qardho, halkaas oo looga diyaar garoobayay soo dhowayn in loogu sameeyo.
Hay’adaha amniga ayaa xaqiijiyay in gaari uu la socday suldaanku oo ahaa Land Cruiser ama Laylo Calaawi oo xawaare saa’id ah ku socday uu kula rogmaday degaanka Qayaadsame ee Gobolka Bari.
Lama sheegin cid kaloo ku dhaawacantay shilkaan, hase ahaatee, waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dadkii la socday.

