Qaramada Midoobay (QM) ayaa ku deeqday lacag dhan 5 milyan oo dollarka Maraykanka ah si wax looga qabto roobabka daadad xooggan wata oo ka da’ay guud ahaan Soomaaliya.
Kaalmada cusub ayaa ku soo beegantay lacag dhan 25 milyan oo doollar oo ka timid Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo Sanduuqa Dhexe ee wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA).
“Shaqaalaha bini’aadantinimada ayaa shaqeeya habeen iyo maalin si ay uga jawaabaan baahiyaha isa soo taraya, iyagoo qaadaya tillaabooyin, si ay u yareeyaan saameynta degdega ah ee El Nino iyo dhisidda adkeysiga bulshooyinka.” ayaa lagu yiri qoraalka UN-ka.

