Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay Xubno Al-shabaab

0

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa howlgalo qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaano ku yaala bariga gobolka Galgaduud.

 

 

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada ay ku bartilmaameedsadeen xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel Xasan Cali oo dhanka koonfureed kaga beegaan Magaalada Budbud, islamarkaana lagu dilay lix ka mid ah kooxda Al-shabaab.

 

“Ciidamada ayaa waxaa u suurta gashay iney lawareegan fariisimihii Khawaariijta halkaas qasaara xooggan lagu gàarsiiyay cadwaga iydoo 6 kamida maleeshiyaadkii isla goobta lagu toogtay Saanad & Hub ciidan ey gacanta ku so dhigeen” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahisay warbaahinta Qaranka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here