Booliiska Somaliland ayaa sheegay in 28,563 oo dabi ay guud ahaan Somaliland ka dhaceen sannadkan sii dhamaanaya ee 2023.
Booliisku waxa ay sheegeen in 66 danbi oo dil ahi ay dhaceen, ayna ku dhinteen 66 qof, iyada oo la qabtay 57 gacan ku dhiigle, 9 kalena lagu raad joogo, dhinaca kale 378 kufsi ayaa dhacay sannadkan, waxaana ku eedaysan 383 qof, 324 kamid ah ayaa gacanta lagu dhigay, 59 kalena wali waa la raadinayaa.
Shilalka baabuurta ee dhacay ayaa ahaa 6,536 shil, iyada oo ay ku dhinteen 198 qof, ayna ku dhaawacmeen 4,890 kale, 3782 gaadiid ah ayaa ku burburay, waxaana ku dhintay 189 neef oo xoolo ah, iyada oo ay sidookale ku burbureen 104 isugu jira dhismayaal iyo biro.
Tirada caruurta la tuuray ayaa sannadkan dhanayd 13 caruura, oo lix kamid ahi booliisku nolol ku gaadheen, halka 7 kamid ahina ay geeriyoodeen.

