Gudoomiye Luqmaan:-“Waxaan Ka Badbaaday Qorshe Laygu Dili Lahaa”,!

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa goordhaw faahfaahin ka bixiyay weerar khasaare geystay oo maanta ku qabsaday kolanyo gaadiid ah oo isaga galbineysay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in mar qura uu ka war helay rasaas ku socota gaadiidkii uu la socday, taasoo uu sheegay iney kusoo fureen ciidamada Danab ee ilaaliya amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

“Waa dhacdo uurkutaalo ah anigoo ku hadlaya magaca Hirshabeele waan ka xunahay in ciidamadii ilaalada noo ahaa ay rasaas nagu soo ridaan, Qaar kamid ah xildhibaanadii Baarlamaanka ee ila socday ayaa ku dhaawacmay weerarkan halka ilaalada qaar kamid ahna ay dhinteen, waxaan jawaab ka sugeynaa xukuumada federalka” ayuu yiri Guddoomiye Luqmaan Xaaji.

Wuxuu sidoo kale guddoomiyaha dalbaday in si deg deg ah dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay uga soo jawaabto dhacdada maanta ciidanka Danab ay ku rasaaseeyeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here