Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Kumaandooska Danab iyo ciidanka gaarka ah ee Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle.
Dagaalka u dhaxeeya labada ciidan ayaa ka socda agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, kaasoo lasoo warinayo in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Afhayeenka Madaxtooyada Hirshabeelle oo war kooban kasoo saaray dagaalka ayaa sheegay in ciidanka Danab ay weerar ku qaadeen kolanyo gaadiid ah oo ciidanka Madaxtooyada oo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle u galbinayeen garoonka diyaaradaha Jowhar.
“Maleeshiyaadka danab ee fadhigoodu yahay Garoonka diyaaradaha ee Jowhar ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiidka Ciidanka Gaarka ah ee Madaxtooyada oo Airportka u galbinayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo safar shaqo ugu socday Magaalada Muqdisho” ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro.

