Madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa 24 saac kadib cadeeyay mowqifkiisa ku aadan xil cusub uu Shalay u magacaabay madaxweynaha dowladda fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Xilka loo magacaabay Cali Jeyte ayaa ahaa u qeybsaha Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Soomaaliya.
Cali jeyte ayaa goordhaw shaaciyay inuu ku faraxsanahay xilka uu u magacaabay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud.
“Waan soo dhaweynaya xilka uu ii magacaabay madaxweynaha waana uga mahadcelinaya” ayuu yiri Jeyte.

