Cali Jeyte Cismaan oo Aqbalay Xilka uu u Magacaabay Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa 24 saac kadib cadeeyay mowqifkiisa ku aadan xil cusub uu Shalay u magacaabay madaxweynaha dowladda fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Xilka loo magacaabay Cali Jeyte ayaa ahaa u qeybsaha Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Soomaaliya.

 

Cali jeyte ayaa goordhaw shaaciyay inuu ku faraxsanahay xilka uu u magacaabay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud.

 

“Waan soo dhaweynaya xilka uu ii magacaabay madaxweynaha waana uga mahadcelinaya” ayuu yiri Jeyte.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here