War Deg Deg:-Dagaal Ka Socda Deegaanka Burujeed ee Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab  in uu haatan ka socdo deegaanka Burujeed oo 75KM u jira Degmada Guriceel.

 

Dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar qorshaysnaa ay Deegaanka kusoo qaadeen saakay aroortii,waxaana halkaas ka socda dagaal xoogan.

 

Deegaanka haatan lagu dagaalamayo waxaa muddo 3-bilood fariisin ka dhigtay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwa Galmudug iyo Ciidamadda Deegaanka.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Deegaanka Burujeed ee hoos yimaada Degmada Guriceel.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here