Guddoomiye ku xigeenkii degmada Guriceel, Shaafici Cabdi Jaamac, iyo taliyihii saldhigga Guriceel, Cismaan Huudeey, ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen dagaalkii saakay Alshabaab ay kusoo qaadeen degaanka Barujeed ee gobolka Galgaduud.
Mas’uliyiin ka Tirsan Galmudug ayaa xaqiijiyay in guddoomiye ku xigeenka iyo taliyaha ay kamid ahaayeen gurmadka ciidamadii Mucaawisleyda ahaa ee lagu weeraray saldhig ay ku sugnaayeen oo kuyaala Barujeed.
Lama xaqiijin karo inta uu le’eg yahay dhaawaca soo gaaray labada masuul, kuwaas oo haatan xaaladooda lagula tacaalayo magaalada Guriceel.

