Ciidamadda Dowladda oo La Wareegay Deegaannada Sargo iyo Qodqod

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa Alshabaab ka qabsaday deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug.

 

Warsaxaafadeed Dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu qabsaday degaanadan lagu dilay in ka badan 30 Shabaab ah. Sidoo kale dowladdu waxay sheegtay in lagu gubay afar gaari, kuwa kalena lagu qabsaday.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in sargaalkii hoggaaminayay Shabaabkii ka dagaalamayay Qodqod, kaasoo lagu magacaabo, Maxamed Bashiir Muuse, lagu dilay dagaalka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here