Booliska Soomaaliya oo Qabtay Gaari Lagu Waday Waxyaabaha Qarxa

0

Ciimadda ammaanka magaaladda Muqdisho oo fulinaya howlgalo amniga lagu sugayo gaar ahaan howlgaladda xasillinta caasimadda ayaa deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir ku qabtay gaari qaraxa ah.

 

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in ciidanka amaanka oo howlgalo ka waday deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho iney gaarigaan gacanta kusoo dhigeen gaarigaan iyo ninkii waday.

“11-kii bishaan Septembar ayaa ciidamada oo howlgaladooda ay ku xaqiijinayeen amaanka iyagoo ku howlan waxay gacanta ku dhigeen gaarigaan aad aragtan oo laba taargo leh kuna rarna ilaa 10 jirigaan oo labaatanlayaal ah oo ay ku jireen baaruuda nooca qaraxyada loo isticmaalo ee loo yaqaano TNT iyo dhagar qabahii waday gaarigaan” ayuu yiri Afhayeen Doodishe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here