Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Loo Gudbiyay Xubno Ku Eedeysan Musuqmaasuq

0

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay Eedda saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka Iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Masuuliyiintan oo gaaraya 7 xubnood ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa intaas ka dib soo saartay qoraal baafin ah oo loogu yeerayo eedeysanayaashan la soo eedeeyey loogu yeeray iney Maxkamada ku hor yimaadaan muddo 30 cisho ah si ay isaga difaacaan dembiyada lagu soo eedeeyey.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here