Hafow Abdulkadir Ibraahim oo Magac afgarashada Al-shabaab u taqaan yahay (Saabir ) kana tirsan Al-shabaab ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60-aad.
Hafow ayaa Muddo 1-sano ah Shabaab u qaabilsanaa waxa aay u yeeraan Jabhada, Wuxuuna ka soo howlgaley Deegaanno ka tirsan Jubbada Hoose iyo Bakool,waxa una Baaq udirey Saaxibadiisa kale ee ku jira Al-shabaab in ay isaga soo baxaan ay Isku soo dhibaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Ciidanka Qaranka oo kaashanay shacabka soomaaliyeed ayaa dagaal xooggan kula jira Al-shabaab,iydoo ay maalin walba ciidanka xoogga dalka ay isa soo dhiibaan xubno badan oo katirsan Al-shabaab.

