Hawlgal milateri oo shalay ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug ayaa lagu burburiyay xaruntii Al-shabaab ee Koonfuurta Gobolka Mudug.
Hawlgakaan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa lagu beegsaday xaruntaasi ay Al-shabaab ku lahayd duleedka Dumaaye halkaas oo ahayd mawlaca ay Al-shabaab horray uga dhacday culumada deegaanka, una badashay xero ay ku tababaraan askartooda, ku diyaariyaan qaraxyada, hoyna u ahayd saraakiisha Al-shabaab ah.


