Wararka Ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in duqeyn diyaaradeed lala beegsaday saldhig Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaan hoosyimaada Degmadda Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Saldhiga la duqeeyay ayaa la sheegay in ay isku aruursanayeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab oo inta badan lagala wareegay Gobolka Mudug ee Dowladd Goboleedka Galmudug.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in duqayn lagu burburiyay saldhiggii Alshabaab ee Dumaaye oo hoos tagta Degmadda Xarardheere.
Wasiirka arrimaha gudaha, Mr. Fiqi, ayaa farriin uu soo bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay in gebi ahaan uu basbeelay saldhigga la weeraray.
“Saldhiggii Al-shabaab ee Dumaaye oo hoos tagta Xarardheere saakay gebi ahaan asaga iyo wixii ku jirey waa isku bas beeleen,” ayuu yiri wasiirku.
Deegaanka Dumaaye ayaa qiyaastii 50 km dhanka waqooyi ka xiga degmada xarardheere ee gobalka Mudug. waana degaan muhiim ah oo Shabaabku ku lahaayeen saldhigyo waawayn.
Deegaankaan ayaa sidoo kale kamid ahaa deegaano ay ku dagaalameen Al-shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah kadib markii Al-shabaab ay amaro culus kusoo rogeen dadka deegaanka.

