Dowladda oo Sheegtay in Howlgal ka Dhacay Qoryooley Lagu Dilay 30-Shabaab ahaa

0

In ka badan 30 ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo ka dhacay degmada Qoryoolay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Howlgalka ayaa ka danbeeyay ka dib markii Al-shabaab ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan degmadaan Qoryoolay.

 

Ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa burburiyay gaadiid qaraxyo ay ku soo xireen Al-shabaab oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan bulshada.

 

Ciidanka dowladda ayaa wali ku sii raad jooga firxadka Al-shabaab intii baxsatay, waxaana meelaha qaar daadsan meydadka Al-shabaab.

 

Ciidanka Qaranka Saaxiibada Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an ciribtirka Al-shabaab duulaanka ku ah dadkeena, dalkeena iyo diinteena .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here