Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday agagaarka laamiga Asluubta gaar ahana dhinaca degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, gaari kuwa raaxadda ah ay saarnaayeen laba ruux ayaa ku qarxay goob ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ay gaadiidka ku baaraan,waxaana la sheegay in qaraxa gaari ku xirnaa.
Lama oga In raga gaariga saarnaa ay ogaayeen in qarax gaariga saarnaa, iyo in ay kula kulmeen goobta lagu baarayay ee uu ku qarxay.
Sidoo kale lama oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxan ka dhacay Magaaladda Muqdisho, waxaana goobta qaraxa ka dhacay gaaray oo baaritaanno kawada ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugidda.
Qaraxyadda gawaarida lagu raro ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kusooo badanayay gudaha Magaaladda Muqdisho,waxaana intooda badan fashilinayay Laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya.

