Madaxweynaha Jubbaland oo Qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis

0
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka martida kulan kula yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo booqasho ku yimid Jubaland.
Kulanka ayaa lagaga hadlay Dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sidii loo xasilin lahaa deegaanada la xoreeyay dadka ku noola ay u heli lahayeen kaalmo deg deg ah.
Waxaa kale oo Kulanka lagaga hadlay qorshayaasha hormarinta kala duwan gaar ahaan tageerada dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska iyadoo Madaxweynaha uu Kulanka ku wehelinayay Wasiirka Caafimaadka Eng ismaciil Axmed Garas iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Khaliif Yuusuf Maxamed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here