Beeralayda jaadka Kenya oo Walaac ka muujiyay Go’aanka Dowladda Soomaaliya

0

Beeralayda jaadka Mirawga ah ee Kenya ayaa walaac weyn ka muujiyay hoos u dhac ku yimid iibka dalagooda, kadib markii Dowladda Soomaaliya ay Itoobiya siisay, in ay 10 maalmood bishiiba kasoo dajiso Soomaaliya Qaadka loo yaqaano Hareeriga.

Guddoomiyaha ururka ganacsatada Qaadka Mirawga, Kimati Munjuri ayaa sheegay in shirkadaha xamuulka qaada ee ka howlgala Nairobi ay Muqdisho ka heleen awaamiir ah in aan la oggolaan karin xamuulka qaadka Miraa, laga bilaabo 11-ka Agoosto.

Arrintan ayaa timid kadib markii Itoobiya, sida la sheegay, ay Soomaaliya u gudbisay cabasho ku aaddan awoodda Kenya ee suuqa qaadka Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Xasan Maxamuud uu qaaday xayiraaddii Qaadka ee sannadkii hore.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here