Jabhadda buurta Gacan-libaax ayaa dishay 9 askari oo ka tirsan booliska Somaliland, halka ay dhaawaceeen 17 kale, kaddib dagaal ka dhacay deegaanka Go’da yar ee gobolka Saaxil.
Taliyaha booliska maamulkaas Gen. Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa warbaahinta sidaan u sheegay.
Taliye Dabagale ayaa sheegay in ciidankaas weerar jidgooyo ah lagu laalay, wuxuuna xusay in aanay qabin amar ah in ay dagaallamaan, balse wixii hadda ka dambeeya ay haystaan amarka ah in ay jabhaddaas la dagaalamaan.
“9 askri ayey dileen, 17 kalena waa dhaawaceen, caawa laga bilaabo waan ka dagaallamaynaa awal ma haysan amar” ayuu yiri taliye Dabagale.
Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa ku eedeeyey musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro inuu isagu jabhadda buurta saaray,
Wasiir Kaahin oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay arrintaas caddaynteeda xukuumadda Somaliland hayso.

