Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook ugu baaqay shacabka ku nool deegaanada Al-shabaab iney isaga fogaadaan xarumaha kooxda.
“DIGNIIN KHAWAARIJTA HALAGA FOGAADO Khawaarijtii markii todobaadkaan 3 jeer maqaaxidooda laga dhex qadeeyey, waxay ku heshiiyeen oo ay ilmaha naarta ugu sheekeynaayaan iney marasta ku dhex dhuuntaan. Shacabkayagoow ka fogaada oo Khawaarij haku ag dhimanin. waxaan codsaneynaa in la gaarsiiyo fariintaan qof walba” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur.
Digniintaan uu wasiirka u diray dadka ku dhaqan deegaanada Al-shabaab ayaa sidoo kale kusoo beegmeysa, iyadoo madaxweynaha Soonaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu mudo todobaad ah ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb oo uu u tagay dardar galinta dhameystirka howlgalada dalka looga saarayo kooxda Al-shabaab

