Nin hubeysnaa ayaa salaadii jimcaha ee maanta Degmadda hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Nin Ganacsade ahaa oo si weyn loogu yaqaanay magaaladda muqdisho oo lagu magacaabi jiray Isaaq Aadan Cali oo loo yaqiinay Garroow.
Marxuum Isaaq Aadan Cali ayaa la sheegay inuu la dhashay Wasiirka Cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibraahin Aadan Ali Najax.
Dilka marxuumka ayaa la sheegay inuu dhacay xili uu kasoo baxay Masjid ku yaala xaafada Taleex ee degmada Hodan oo uu kusoo Tukaday Salaadii Jimcaha.
Taliska qeybta guud ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidanka Booliiska degmada Hodan ay gacanta ku dhigeen mid ka mid dableyda dilka u geysatay ganacasadaha, islamarkaana la horgeyn doono Cadaaladda.
“11/08/2023 Abaaro 13:30pm, Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir Gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay dhagar-qabaha sawirkiisu hoos idinka muuqdo. Dhagar-qabahaan ayaa dil u geystay ganacsade soomaaliyeed, waxaana la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh hadduu alle idmo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir.

