Wasiir Hore oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho,Al-Shabaab oo Sheegtay

0

Kooxo hubeysnaa ayaa Magaaladda muqdisho waxa ay ku dileen mas’uul horey xil ugu soo qabtay Maamulka Hir-shabeelle.

Wasiirkii hore ee Beeraha iyo Waraabka maamulka Hirshabeelle Xasan Axmed Muudeey ayaa lagu dilay Degmadda Yaaqshid ee Gobolka banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay mas’uulka xili uu kasoo baxay Masaajid ku yaala xaafadda uu daganaa.

Marxuumka ayaa xilka Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle soo qabtay xiligii uu maamulkaas madaxweynaha ka ahaa Dr. Maxamed Cabdi Waare, waxaana masuuliyada dilkiisa sheegatay Al-shabaab.

Dhanka kale Madaxweynaha Hir-shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Tacsiyeeyay dilka wasiirka hore.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo bulshada Hirshabeelle ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Axmed Muudeey. Marxuumku waxa uu ahaa shaqsi karti badan oo muddo u soo adeegayay Hirshabeelle waxa uuna door ku lahaa Aas-aaska dowlad dhiskii Hirshabeelle” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska madaxweyne Cali Guudlaawe.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here