Al-shabaab oo La Wareegay Deegaanka Goof-gaduud ee Duleedka Baydhabo.

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,kuwa koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Al-shabaab uu ka dhacay deegaanka Goof-gaduud ee Duleedka Magaaladda Baydhabo.

Dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ayaa weerar dhowr jiho ahaa kusoo qaaday deegaanka,waxaaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa dagaalka ku gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dhanka kale dagaalka deegaanka Goofgaduud kaddib ayaa ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed isaga baxeen deegaanka , waxaana halkaasi la wareegay dagaalyahanno katirsan  Al Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya oo loogu hadlaayo la wareegista Deegaanka Goof-gaduud, oo la ilaaliyo Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here