Saraakiil Ka Tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda oo Maxkamadeyntooda La Bilaabay

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa saakay mar kale la horgeeyay Xubno ku eedeysan Musuq-maasuq,xatooyo xoolo dadweyne kuwaasi oo kamid ahaa shaqaalaha Hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Xubnaha maanta la horgeeyay Maxkamdda ayaa ah saraakiil ka tirsan wasaaradda maaliyadda gaar ahaan qeybta canshuuraha bariga oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku xirnaa magaaladda Muqdisho, waxaana loo heystaa in ay musuq maasuqeen lacago canshuuro ahaa.

Saraakiisha eedeeysanayaasha ah ayaa lagu kala magacabaa Abuukar Maxamed Cali oo ah maamulihii xafiiska Canshuuraha Bariga Wasaaradda Maaliyadda ee garoonka Aadan Cadde, Maxamed Aadan Cabdullaahi maamulahii Bankiga Dhaxe laanta garoonka Aadan Cadde iyo Cabduqaadir Cabdi Socdaal Abtidoon oo ka tirsan Bangiga Dhaxe kana shaqeeynayay qeybta Dakhliga ajaanibta ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaas oo dhamaantood Xeer ilaalinta qaranka kusoo eedeysay falal la xariira musuqmaasuq xatooyo xoolo dadweyne.

Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaana dacwad kusoo oogtay bishaan saraakiishan katirsan wasaaradda maaliyadda, waxaana mudooyinkii dambe lagu hayay xabsi dowladda Soomaaliya.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dhawaan bilowday dhageysiga dacwado loo haysto 18-xubnood oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradaha dowladda iyo Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda.

Xubnaha lasoo eedeeyay waxaa kamid ah agaasimayaashii hore ee hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here