Warar kala duwan ayaa laga helayaa qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday xerada ciidamada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo beegsaday ciidamo isku dhaf ah oo lagu xareenayay xerada ciidamada Kuliyada Jaalle Siyaad oo ku taala degmada Hodan magaalada Muqdisho.
Waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxaan uu fuliyay ruuxa naftii haligaha ah, waxaana goobta laga qaaday qaar ka mid ah dhaawacyada askarta uu dhexgalay Ismiidaamiyaha, kuwaas oo loo qaaday xarumaha Caafimaadka Muqdisho.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay magaaladda Muqdisho.

