Al-shabaab ayaa ka hadlay weeraro ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, weerarkii ka dhacay Xaafadda Tiida Degmadda Deyniile, iyo qof isa soo miidaamiyay oo isku qarxiyay saraakiil iyo askar ku sugneyd galabtii jimcaha guryaha Saraakiisha Degmadda Hodan.
Afhayeenka Dhanka Howlgaladda Al-shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlayay warbaahintoodaa ayaa sheegay in weeraro ka dhacay Degmadda Galcad lagu dilay askar ka Tirsan Danab hubna ay ku qabsadeen.
Waxa uu sheegay in qoryo isugu jira kuwa fudud iyo dhashiikayaal ay ku qabsadeen weerarka ka dhacay Degmadda Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Abuu Muscab ayaa sheegay in howlgalkaas uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamadda Danab ay dab qabadsiiyeen guryo dad shacab ay lahaayeen oo ku yaalo tuulooyin hoos yimaadda Degmadda Galcad.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarka dhacay Degmadda Galcad ayaa sheegtay in lagu jabiyay Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab,islamarkaana xubno badan lagu dilay.
Dhanka kale Afhayeenka Dhanka Howlgaladda Al-shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay weerar lagu dilay askar ka tirsan dowladda oo ka dhacay Xaafadda tida Degmadda Deyniile ee Gobolka Galgaduud.
Waxa uu sheegay in dagaal halkaas ka dhacay lagu dilay 5-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, halka 3-kale lagu dhaawacay, wuxuuna hadalkiisa ku daray in lagu soo furtay hub kala duwan.
Dhanka kale Afhayeenka Dhanka Howlgaladda Al-shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee galabtii jimcaha ka dhacay Guryaha saraakiisha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Waxa uu sheegay in weerarkaas lagu dilay saraakiil u badan Ganeraalo iyo mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in sababta loo beegsaday saraakiisha ku sugnaa guryaha saraakiisha ay aheyd in ay kaalin ku lahaayeen dagaalka uu sheegay in lagu soo qaaday diinta islaamka.
Sidoo kale waxa uu sheegay Afhayeenka Dhanka Howlgaladda Al-shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab in weerarkaas lagu 9-sarkaal 13-kalana lagu dhaawacay.
Ugu dambeyntii Afhayeenka Dhanka Howlgaladda Al-shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa ka guulo ka sheegtay weerar dagaalyahanadooda ay ku qaadeen saldhig ku yaala Gobolka Woqooyi bari.
Hadalka Afhayeenka Dhanka Howlgaladda Al-shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa imaanaya xili dagaalyahanadda al-shabaab ay kordhiyeen weeraradda kudhufo ka dhaqaaqda ah ay maalmihii dambe ka fulinayeen magaaladda Muqdisho.

