Dowladda oo Guulo Ka Sheegatay Dagaalo Ka Dhacay Degmadda Galcad

0
Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka, ayaa howlgallo lagu ciribtirayo Al-shabaab ka wada tuulooyinka u dhexeeya degmada Gal-cad iyo degaanka Bud-bud ee gobolka Gal-guduud ee Maamulka Galmudug.
Howlgalka ayaa khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab waxaana lagu burburiyay goobo shabaab  keyd u ahaa oo ay Sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa ay u yaaleen.
Howlgalka ayaa lagu dilay dagaalyahano fara badan oo ku dhuumaaleysanaya deegaan lagu magacaabo Gariyaale saraakiisha ciidanka ayaana Warbaahinta Dowladda u xaqiijiyay in Howlgalkaan lagu dilay 18 dagaalyahan oo ay kujiraan saraakiil.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here