Kulankii Baarlamaanka oo Dib Loo Dhigay, Guddoonka oo Qiranaya Qaladkiisa

0

Waxaa dib loo dhigay kulan maanta oo isniin ah lagu waday in Xarunta Golaha shacabka ay ku yeesheen Xildhibaanadda Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankaan oo lagu waday in uu dhaco sabtidii todobaadkaan ayaa buuq iyo gacan ka hadal hareeyay, kadib markii la isku khilaafay Jadwal ay Xukuumadda usoo dirtay Guddoonka Golaha shacabka kaasi oo ka tarjumaya sida loola xisaabtamayo Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor yimid in Xukuumadda ay Baarlamaanka u sheegto shaqadiisa,islamarkaana sharciga uu dhigayo in Baarlamaanka uu u yeero wasiirka uu xiligaas doonayo.

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa magaaladda Muqdisho laga dareemayay guuxa Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay wadaan qaar kamid ah Xildhibaandda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaano badan oo dalka dibadiisa fasax ugu maqnaa ayaa magaaladda dib ugu soo laabtay si ay qeyb kaga noqdaan Mooshinka Xukuumadda laga wado kadib markii ay ku eedeeyen in faraha lasoo gashay howlaha Golaha shacabka Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa xalay Magaaladda Muqdisho kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Golaha shacabka Shiikh aadan Maxamed Nuur (Madoobe), uu wehliyo Ku-xigeenka Labaad iyo 5-xubnood ay iska soo xuleen xildhibaanadda ay la dhacsaneyn hanaanka Xukuumadda Fedeeraalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa diirada lagu saaray wixii sabtidii ka dhacay Xarunta Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya,islamarkaana loo baahan yahay in guddoonka uu qirto qaladkiisa.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Shiikh aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa wararka ay tilmaamayaan in Guddiga u sheegay in guddoonka uu raaligalin ka bixin doono khaladkii ka dhacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya,loona baahan yahay in xildhibaanadda ka laabtaan Mooshinka ay wadaan.

Guddiga ayaa Guddoonka u sheegay in Mooshinka uu jiri doono ilaa guddoonka ka saxayo qaladka Xukuumadda ku kacday ee ku aadan in shaqooyinka Baarlamaanka faraha lasoo gashay.

Guddoonka ayaa looga fadhiyaa in uu saxo qaladkii todobaadkaan ka dhacay xarunta Golaha shacabka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here