Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Hoobiyayaal saakay aroortii ku dhacay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.
Hoobiyayaasha oo dhowr xabo ahaa ayaa la sheegay in bartilmaameedka uu ahaa Madaxtooyadda Soomaaliya,iyo garoonka diyaaradaha aadan Caddde.
Mid Kamid ah hoobiyayaasha ayaa ku dhacay Degmadda Waabari ee gobolka Banaadir.
Laamaha amaanka dowladda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in hoobiye uu ku dhacay guri ay daganayeen dad danyar ah.
Inta la xaqiijiyay ilaa haatan waxaa ku dhintay hoobiyayaasha saakay aroortii lagu garaacay,2-ruux,halka dhaawaca uu yahay 3-ruux.
Halkaan Hoose ka Akhriso Magacyada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacay.
1 Macalin Aweys Maadeey, waxaa la xaqiijiyay in uu dhintay,wuxuuna ahaa macalin dugsi.
2: Xaliimo Macalin Aweys Maadeey oo lix jir ahayd , dhimasho
Dhaawacyadda
3: Naciimo Maxamed Cabdi oo dhashay gabadha lix jirka ah ee dhimatay.
4: Isra Macalin Aweys .
5: Maxamed Macalin Aweys Maadeey.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda hoobiyayaasha saakay lagu garaacay Magaaladda.






