Villa Somaliya oo Ka Walwalsan Tilaabo uu Damacsan Yahay Deni, Wada-hadalna u Ogolaatay

0

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa bilowday in ay ka hortagto tilaabo ay damacsan tahay Dowladd Goboleedka Puntland oo khilaaf kala dhaxeeyo haatan.

Tilaabadan ayaa la sheegay hadii Puntland ay qaado uu fashilmaayo guulo dowladda Dhexe ka gaartay qorshaha Barnaamijka Deyn cafinta oo haatan maraya meel wanaagsan.

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland Maxamed C/raxmaan  Dhabancad ayaa sheegay in maamulkiisa uu doonayo in la hakiyo hanaanka deyn cafinta dalka, oo meel wanaagsan maraya, illaa inta laga heshiinayo khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Villa Soomaaliya ayaa la sheegaya inay dadaal xooggan ku bixinayso inay si deg deg ah wada-hadal ula furto xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raisulwasaarihii ayaa haatan bilaabay in dhinacyo kale u maraan in la qanciyo Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni,si loogu baaqsado in la dhibaateeyo barnaamijka deyn cafinta.

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa laga soo xigtay in Madaxweynaha iyo raisulwasaaraha ay wada-hadalka Madaxweynaha Puntland u marayaan dhinacyo saameyn ku leh siyaasadda Puntland.

Dhanka kale Puntland ayaa dhankeeda marar dhowr ah kor u sheegtay inay diyaar u tahay in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladdafederaalka, balse mar hore la xaliyo qodobada la isku hayo.

Hogaamiyaha Maamulka Puntland ayaa la sheegay in uu Madaxtooyadda Soomaliya ka waayay balanqaadyo dhowr ah taasina ay sabab u tahay khilaafka labada dhinac.

Puntland ayaa ka baaqasatay dhowr mar shirarka Golaha watashiga qaran oo ka dhacay Magaalooyinka Baydhabo iyo Mogadisho.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here