Magaaladda Muqdisho Caasimadda Soomaaliya waxaa maalmaha soo socda ka dhici doono kulamo xasaasi ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud iyo qaar kamid ah saamileyda siyaasada Soomaaliya ay si wadajirka ah u galeen doorashadii dalka ka dhacday.
Kulankaan uu socday Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la sheegay in lagu wargaliyay qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay kasoo qeyb galaan.
Magaaladda muqdisho waxaa maalmaha soo socda kusoo wajahan Siyaasiyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo ka qeyb geli doona kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku martiqaaday siyaamileyda siyaasadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowaan la kulmay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh ayaa ka codsaday inuu isugu yeero kulan uu la qaato xubnaha saamileyda siyaasadda si ay dood iyo aragti wadaag uga yeeshaan heshiiskii Siyaasadeed ee 27 May ee sanadkan ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.
Xubnahan Siyaasiyiintan ayaa war ay si wadajir u soo saareen waxay ka soo horjeesteen qaar ka mid ah qodobada heshiisyadaas oo uu ka mid ahaa hannaanka la rabo inuu dalka u guuro ee ah nidaamka Madaxtooyada iyo in dalka uu mustaqbalka yeesho labo xisbi.
Balse Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo),ayaa Kaliyah noqday Madaxda taageertay Go’aanka Golaha watashiga qaran,balse wuxuu ku baaqay in wadar ogol laga dhigo heshiiska.
Qaar kamid ah qodobadii lagu heshiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha watashiga qaran ayaa dhaqan galin,waxaana kamid ahaa qodobadaas in bishaan lasoo magacaabo Guddiga doorashooyinka Qaran.

