Golaha Ammaanka ee QM ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey qaraar lix bilood ah oo lagu kordhinayo illaa bisha December ee soo socota xilliga hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Golaha ammaanka ayaa sheegay in muddadaas lixda bilood ah lagu taageerayo diyaarinta qorshaha dawladda Soomaaliya ee wejiga labaad iyo dhimista ciidamada hawlgalka ATMIS.
Golaha ammaanka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay sii wado la shaqeynta Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo la-hawlgalayaasha kale, si ay si tartiib tartiib ah ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga ATMIS.
Goluhu wuxuu ka codsaday Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika inay sameeyaan qiimeyn farsamo oo wadajir ah ugu dambeyn 31ka Agoosto, si loo qiimeeyo wejiga koowaad ee dhimista ATMIS, halka 15ka Sebtembar loo diyaargaroobayo wejiga labaad iyo in dowladda Soomaaliya usoo bandhigto Golaha warbixin cusub 30ka Noofambar, taasoo ku saabsan horumarka laga gaaray hirgelinta qaab dhismeedka amniga qaranka oo dib loo eegay

