Maanta waa Maalinta Koowaad ee Munaasabada Ciidul Adxa, waxaana si siman looga wada Ciiday dhammaan Wadamada Islaamka oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka, waxaana Masaajidada waa weyn Salaada Ciidul Adxa ku Tukaday boqolaal ruux, waxaana Saalada kaddib dadka Soomaaliyeed si ay farxad ka muuqato isugu hambalyeynayeen Munaasabadda Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxa, oo ah maalin qiimo badan ku leh Umadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta ku nool Caalamka oo dhan.
Wadooyinka waa weyn ee Caasimada muqdisho, ayaa ah kuwo aad u mashquul badan,maadama ay dadka ay booqanayaan Eheladooda iyo Asxaabtooda, si ay farxada Ciida ugala qeyb qataan.

