Xiisado colaadeed oo aad u kacsan ayaa xalay illaa saakay laga dareemayaa magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.
Ciidamada mucaaradka oo awal hore ku sugnaa bannaanka magaalada, ayaa lagu waabariistay iyagoo gudaha usoo galay qeybo kamid ah magaalada, islamarkaana jidgooyo dhigtay qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.
Warar aanu helnay ayaa sheegaya in arrintaan ay ka dambeysay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in baarlamaanka Puntland uu doonayo inuu soo horumariyo furista dastuurka, si ay wax uga beddelaan qodobo ku saabsan tirada xisbiyada siyaasadeed.

