Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in dagaal uusan xal u aheyn khilaad Siyaasadeedka ka taagan magaalada Garoowe, wuxuuna ugu baaqay shacabka reer Puntland iney ka wada shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida.
“Maamulka Puntland, oo ay ugu horreeyaan Odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ku aaddan daminta colaada, lagana shaqeeyo xasiloonida deegaanka oo ay caan ku yihiin dadka reer Puntland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Kusimaha madaxweynaha ayaa ku booriyay dhinacyada isku haaya siyaasada Puntland iney isugu yimaadan miiska wadahadalka oo ay ka shaqeeyaan nabada iyo inaan la barakin dadka shacabka ah.

