Taliyaha ciidanka booliiska Puntland, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay inay soo afjareen koox uu ku tilmaamay cadow hubaysan oo soo weeraray xarunta baarlamaanka Puntland, oo ay ka socotay meel marinta furista dastuurka.
Taliyaha ayaa sheegay in ay ku guulaysteen inay magaalada Garowe ka saaraan kooxda soo weerartay, isagoo sheegay inay ku ururiyeen goobihii ay kasoo abaabuleen dagaalka.
Taliye Muumin waxa uu qiray inuu jiro khasaare lixaad ah oo ka dhashay dagaalka dhacay. Wuxuu sheegay cid kaste oo dagaalkaas ku lug lahayd in la dabagali doono lanasoo qaban doono.
“Waxaanu difaacaynaa dowladnimada iyo nidaamka. Waxaanu ilaalinaynaa amniga caasimadda oo ah meesha ugu muhiimsan oo Puntland leedahay”, ayuu yiri taliye Muumin.

