Puntland oo Ka Hor Timid Sharci ay Wado Wasaaradda Kaluumaysiga DFS

0

Maamulka Puntland gaar ahaan Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Maamulkaas ayaa ka hor timid sharci ay wasaaradda Kaluumaysiga Dowladda Dhexe ay doonayso in ay meel mariso,kaasi oo dhawaan la horgeeyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in tan dowladda Dhexe ay jabisay heshiisyo dhawaan la gaaray,islamarkaana aysan aqbaleynin hadii la ansixiyo.

‘Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dawladda Puntland waxay aad uga xuntahay in “Wasaaradda Kalluumaysiga Dawladda Federalka Soomaliya ay rabto iney meel mariso sharci ay ku sheegtay Sharciga Hormarinta iyo Maaraynta Kalluumaysiga Soomaliyeed”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here