Ururka Midowga Yurub ayaa meelmariyay in taageero dhaqaale oo dheeri ah la siiyo Soomaaliya, gaar ahaan uciidamada xoogga dalka iyo kuwa howl-galka ATMIS oo markii hore loo aqoon jirey (AMISOM).
Qoraal kasoo baxay midowga Yurub ayaa lagu sheegay in lacag dhan 85-Million lagu dari doonto lacagihii lagu taageeri jirey ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS Midowga Afrika.
Taageerada dhaqaale ee dheeriga ah ayaa waxaa looga dan leeyahay in gacan ka geysato wareejinta masuuliyadda amniga ee ATMIS oo lagu wareejinayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran iyada oo la xaqiijanayo awooddooda.
Taageeradana ayaa waxay inta badan gacan ka geysan doontaa helitaanka gunnooyinkii ka maqnaa ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, laga soo billaabo 2021-ka. Dhanka Ciidanka Xoogga dalka waxay diiradda saari doontaa bixinta qalabka militari iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Ururka Midowga Yurub ayaa ah mid ugu horeeya ee lacagaha ugu badan ku bixiya Soomaaliya,tan iyo 2007-dii Midowga Yurub ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee si toos ah ATMIS ugu taageeray lacag dhan 2.4 bilyan, wuxuuna xilligaan xaqiiyay sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada howlaha ATMIS iyo xoojinta guulaha laga gaaray howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

