Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah oo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kaasi oo socday shan maalin ooo xiriir ah.
Go’aankan cusub ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta Somaliland oo ay barbar taagan yihiin wasiirada arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga Maamulka Somaliland.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaa koore ayaa sheegay in go’aankan ay Somaliland u qaadatay si ay u muujiso inay diyaar u tahay in doorkeeda ka qaadato dejinta xiisadda, si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.
“Mowqifka ay ka gaadhay waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad bilaa shuruud ah ku dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.
Wasiir Saleebaan Cali Koore oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Sool ayaa sheegay inaan waxba laga qaban karin waxa ka socda Magaaladda Laascaanood.
“Sida wax u dhacayaan marka aad eegto, waxa muuqata in xagga Rabbi wax kale laga wado oo aanaan waxba ka qaban karinba waxa socda” ayuu yiri Wasiir Saleebaan Koore.
Warkan ay shaaciyeen Afartan Wasiir ayaa ku soo aadaya xilli ay horey u xukuumadda Somaliland u sheegtay inay Laascaanood kula dagaalameyso Argagixiso.
Somaliland ayaa shalay beesha Caalamka ka dalbatay in ay ku soo biiraan dagaalka Magaaladda Laascaanood oo ay ku tilmaamtay mid ay argagixiso kula jirto.
Xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay uga jawaabi doonaan Isimida ku sugan Laascaanood, oo ayagu hore u sheegay in wax wada-hadal ah la gali doonin Somaliland illaa ay ciidamadeedu ka baxaan dhulkooda.
Go’aankan ay Xalay ku dhawaaqday Somaliland ayaa imanaya saacado un kadib markii mucaaridka Somaliland uu ka dalbaday madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo geystay khasaare xoogan.

