Ciidamadda Booliska oo Qabtay Askari Dilay Wiil Ku Sugnaa Xeebta Liido

0

Ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee ka howlgala saldhigga booliiska degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay askari katirsan ciidanka dowladda oo dil ka geystay magaalada Muqdisho.

Askariga ayaa dilay wiil dhallinyaro ahaa oo damaashaad u aaday xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis Magaaladda Muqdisho, kaddib muran dhax maray.

Taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in ciidamadda amniga gacanta ku hayaan askariga dilka geestay loona gudbin doono maxkamadda ciidamada.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here