Al-Shabaab ayaa beenisay hadalkii wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ee ahaa in ciidmada Somaliland ay la dagaalamayaan ‘aragaxiso, iyo dagaalyahano ku xiran Alshabaab.
Al-shabaab ayaa sheegtay inay xaqiijinayso in hadalka kasoo yeeray Somaliland uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn, sida lagu baahiyay Somalimemo.
Al-Shabaab ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in aysan aqbaleyn in magaceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu banaysto nafta, maalka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood.

