Warar kala duwan ayaa laga helayaa Rasaas goos-goos ah oo saakay laga maqlay aagga Madaxtooyada Puntland ee Magaaladda Garowe.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ay isku hor fadhiyaan goob la geeyay qalabka diiwaan-gelinta doorashadda qof iyo cod ay dhawaan shaacisay Xukuumadda Puntland.
Ciidamo ka kala tirsan Kuwa Madaxtooyadda Puntland ee magaaladda Garoowe, iyo askar ka Tirsan Kuwa kumaandooska Puntland oo ka hor yimid “diiwaan-gelinta hubeysan ayaa isku rasaaseeyay Magaaladda subaxnimadii hore ee saakay.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay rasaasta laga maqlay Magaaladda,waxaa laga cabsi qabaa in dagaal uu magaaladda ka dhaco.
Ciidamada Kumaandooska Danab ee Puntland oo uu hoggaamiyo S/Guuto Jimcaale Jaamac Takar ayaa si adag uga digay in Gobolka Nugaal laga sameeyo diiwaan-gelinta hubaysan ee doorashooyinka lagu muransan yahay.
Xukuumadda Puntland weli wax jawaab ah kama bixin tallaabadaan oo ku soo beegan tahay xilli maalmo kooban ka harsan yihiin wakhtigii loo qorsheeyay in diiwaan-gelinta laga bilaabo Magaaladda Garoowe.

