Somaliland oo War Kasoo Saartay Dagaalka Ka Dhacay Magaaladda Laascaanood

0
Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliland ayaa war ka soo saartay dagaal saaka ka qarxay Magaaladda Laascaanood
Qoraal kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliland ayaa lagu sheegay in kooxo argagaxiso ah ay weerar kusoo qaadeen Magaaladda Laascaanood.
“Saaka subixii hore ayaa waxaa weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka iyo Xarunta ay degan yihiin Golaha Wasiirada Somaliland ee Magaalada Laascaanood, kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen Garaadada Nabad diidka ah ee ku sugan Magaalada.
Kooxa weerarka soo qaaday ayaa ah kuwii horey ay uga digtay Xukuumadda Somaliland, waxaana ka mid ah kooxo xagjir ah, kuwaasoo magaalada ay soo geliyeen Garaadada Nabad diidka ah.
Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa iska difaacay weerarka argagixo waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul, wixii khasaare dib ayay Xukuumadda ka sheegaysaa, inkastoo inta la ogyahay ay weerarkan ku dhaawacmeen laba askari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here