Faah-faahin:-Dagaal Ka Qarxay Magaaladda Laascaanood

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Maamulka Somaliland iyo ciidamo deegaanka ah uu saakay ka dhacay Magaaladaas.

Sida ay sheegayaan wararka,ciidamadda maamulka Somaliland ayaa saakay dhaqdhaaq ciidan ka bilaabay banaanka magaaladda laascaanood ayaa weerar gaadmo ahaa kusoo qaaday ciidamadda Deegaaanka waxaa sidaas ku bilowday dagaalka labadda dhinac.

Dagaalka ayaa ka dhacay seddex jiho oo kala ah Geedo qarsay, Hass iyo saldhigga bari,halkaas oo la sheegay in labadda dhinac ay isku fara saareen.

Ilaa haatan lama oga khasaraha ka dhashay dagaalka saakay ka dhacday magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

Dhaq dhaqaaqan ayaa ku soo beegmay xilli saakay lagu wado in go’aanno laga soo saaro shirka Aaya-ka-tashiga Gobollada SSC ee ka socday maalmihii dambe Magaaladda Laascaanood.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here