Dagaalyahan u Dashay Kenya oo Kamid ahaa Ragii Weeraray Xarunta G Banaadir

0

Al-shabaab ayaa shaaciyay magaca mid kamid ah ragii fuliyay weerarkii lagu qaaday 23-kii bishii hore Janaayo, 2023 Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in raga weerarka fuliyay uu kamid ahaa Zubeyr Al-Muhaajir oo u dhashay dalka kenya.

Al-Muhaajir ayaa kasoo jeeda sida shabaab ay sheegeen  tuuladda Majengo oo hoostagta magaaladda Nyeri ee gobolka Central Highlands.

Fariin cod ah oo u muuqata in Al-Muhaajir laga duubay kahor weerarka, wuxuu kusoo hadal-qaadey Mahir Khalid Riziki, oo isku-qariyey Hotel-ka DusitD2 ee Magaaladda Nairobi Jan 15, 2019-kii.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la dilay 6-ruux oo ahaa kuwii soo weeraray Xarunta Maamulka Gobolka banaadir,islamarkaan uusan weerarkaas u dhicin sidii loo qorsheeyay.

Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa waxaa kamid ah xubno ajaaniib ah oo kasoo jeeda dalka Kenya,kuwaasi oo fuliya weeraradda lagu qaado gudaha dalkaas.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here