Hoobiyayaal Lagu Weeraray Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhawaqa hoobiyayaal laga maqlay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ilaa shan hoobiye ayaa la sheegay in lagu weeraray Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya,islamarkaana ay ku dhaceyn meelo ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya.

Lama oga khasaaraha ka dhashay hoobiyayaasha lagu weeraray Xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Jugta laga maqlay Magaaladda ayaa kusoo beegantay xili saaka ay xiran yihiin wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada, iyadoo meelaha qaarna ay ka xiran yihiin xitaa socodka, waxaana la is weydiinayaa sida ay kusuura gashay in hoobiyayaal lagu weeraro aaagga aqalka looga arrimiyo dalka.

Dhanka kale ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa wada howlgal ay ku ogaanayaan halka laga soo tuuray hoobiyayaasha lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here