Al-shabaab ayaa shaaciyay magaca mid kamid ah ragii fuliyay weerarkii lagu qaaday 23-kii bishii hore Janaayo, 2023 Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Qoraal lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in raga weerarka fuliyay uu kamid ahaa Zubeyr Al-Muhaajir oo u dhashay dalka kenya.
Al-Muhaajir ayaa kasoo jeeda sida shabaab ay sheegeen tuuladda Majengo oo hoostagta magaaladda Nyeri ee gobolka Central Highlands.
Fariin cod ah oo u muuqata in Al-Muhaajir laga duubay kahor weerarka, wuxuu kusoo hadal-qaadey Mahir Khalid Riziki, oo isku-qariyey Hotel-ka DusitD2 ee Magaaladda Nairobi Jan 15, 2019-kii.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la dilay 6-ruux oo ahaa kuwii soo weeraray Xarunta Maamulka Gobolka banaadir,islamarkaan uusan weerarkaas u dhicin sidii loo qorsheeyay.
Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa waxaa kamid ah xubno ajaaniib ah oo kasoo jeeda dalka Kenya,kuwaasi oo fuliya weeraradda lagu qaado gudaha dalkaas.

